Sawirro: Maamulka G/Banaadir oo dhulka dhigay dhismo sharci daro loo dhistay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay dhismo shirkadda ECO ay ka dhistay barxadda Piazza Libera ee degmada Xamar Jajab, kaasoo muran badan uu ka taagnaa sharci ahaantiisa.

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu burburiyay dhismaha Piazza Libera maadaama goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa horay u hakiyay dhismaha goobtan, kadibna amray in baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha ee lagu joojiyay bixinta dhulalka danta guud.

“Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, wuxuuna yahay weli mid dan guud, Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dowladda la bixin karin, iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.

Dhulka Piazza Libera ayaa waxaa la sheegay inay dhisaneysay shirkad kuwa qashinka ka qaada degmooyinka, waxaana qorshaha goobtan uu ahaa in lagu uruuriyo qashinka, taasoo dad badan ay walaac ka muujiyeen faya-dhowrka iyo caafimaadka goobtaas oo ku dhow goobo dad shacab degan yihiin.    

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE