Sawirro: Kim Jong-un iyo Donald Trump oo ka degay Singapor

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa maanta ka ka degay dalka Singapore, halkaasoo la filaayo in kulan taariikhi ah uu ku dhex maro labada hoggaamiye.

Kulankan taariikhiga ah ayaa ka dhici doona jasiiradda loo tamashle tago ee Sentosa maalinta Talaadada ah.

Inta la og yahay kulankaan ayaa noqon doona markii koowaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haaya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Donald Trump ayaa kulankaan ku tilmaamay fursad qura  oo lagu beegsan karo nabadda, wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.

Mareykanka ayaa shirkaan u arka mid hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi mid uu kaga tanaasulaayo xoojinta iyo jiritaanka hubka nukliyeerka.

Kim iyo Trump ayaa sidoo kale horay iskugu hanjabay dagaal aan horay loo arag oo dunida saameyn doona, hase ahaatee xiisada markii danbe ay dejiyeen iyagoo go’aansadeen in ay is hor fariistaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE