Sawirro: Burcad si xeeladeysan dadka ugu dhici jiray Muqdisho oo lasoo qabtay

Ciidamada amaanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan koox dhalinyaro burcad ah oo dadka degmada Hodan ay qaati ka taagnaayeen.

Dhalinyaradaan oo dhan afar ayaa lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada amaanka oo mudo ku daba jiray kooxdaan burcada dhalinyarada ah, waxayna caadeysteen inay beegsadaan dhalinyarada ardayda jaamacaddaha, haweenka iyo dadka kale ee ay ku tuhmaan inay haystaan Mobile-da iyo lacagaha.Burcaddaan ayaa adeegsan jiray xeelado u gaar ah, iyagoona ku socon jiray mooto bajaajta, waxaana lagu soo qabtay iyagoo mobile-lo ay dhaceen iyo bastoolad ay u adeegsan jiriin dhaka.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Cantoobo ayaa sheegay in burcadaan oo mudo lagu daba joogay ay beegsan jirón ardayda iyo dadka jilacsan, aakhirkiina ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in lasoo qabto.  

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE