Ciidamada Mareykanka iyo kuwa DF oo ka baxay deegaanka Sanguuni

Ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Mareykanka ayaa gabi ahaan faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayen deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhow magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa shalay ilaa saaka baneynaayay fariisimaha oo Jimcihii ina dhaaftay ay weerareen maleeshiyaadka al-Shabaab kaa oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Talaabada ay ciidamada ku faarujiyeen deegaanka ayaa waxa ay soo degdegtay wixii ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab lagu qaaday xerada.

Ciidamada ayaa lagu daad gureynayaa diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, waxa ayna dadka deegaanka sheegayaan in inta badan deegaanka lagu soo daadiyay ciidamo farabadan oo dusha ka ilaalinaya diyaaradaha ciidamada guraaya iyo gaadiidka ciidamada oo qaarkood isticmaalaya dhulka.

Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna intooda badan xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah.

Ciidamadan waxa ay saqdii dhexe ee xalay ku hoydeen meel u dhow Degaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada al-Shabaab, oo isla xalayba dib ula wareegay gacan ku haynta qeybo kamid ah deegaankaasi.

Dhinaca kale, Shabaabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay culeys soo saaray Baar Sanguuni, shalay oo ugu dambeysayna waxaa ay ka gaysteen weerar ismiidaamin ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE