Sawirro: 46 tahriibayaal Itoobiyaan ka baxay Boosaaso oo ku haligmay xeebaha Yeman

Tahriibayaal gaarayay Illaa 46 ruux Itoobiyaan ah ayaa ku haligmay xeebaha dalka Yemen, kaddib markii doon ay saarnaayeen ay la degtay.

Tahriibayaashan ayaa ka baxay xeebaha Boosaaso, iyagoo qorshahooda ahaa inay gaaraan dalka ay colaadaha ka socdaan ee Yemen.

Illaa 16 ruux ayaa laga badbaadiyay doonta la gadoontay tahriibayaasha, sida ay sheegtay Hey’adda Socdaalka Adduunka.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray rag, dumar iyo carruur, waxaana 37 ka mid ah ay ahaayeen carruur.

Tahriibayaal iyo qaxooti ka yimid Geeska Afrika ayaa Yemen u socdaalayay sanadihii la soo dhaafay, waxaana Yemen ay albaab laga galo oo sahlan u tahay wadamada kale ee Khaliijka iyo Yurub, hase ahaatee waxaa ka jira dagaalo iyo xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE