Wararkii u danbeeyay dagaalka Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland

Xaalada tuulada Tukaraq ee saacadihii u danbeeyay ku dagaalamayeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa saakay degan, inkasta xalay waaberigii labada dhinac dagaal mudo saacado socday uu ku dhex maray aaga Tukaraq.

Ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda goobta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala gaarayaan gurmadyo ciidan iyo saanado hub, waxaana dagaalka laga cabsi qabaa inuu deegaano hor leh ku fido.

Vkhasaare xooggan ayaa dagaaladaasi ka dhashay iyadoo tirada dhimashada labada dhinac ay kor u dhaaftay 55, halka dhaawaca uu ku dhow yahay 100. Sidoo kale labada dhinac ayaa iska kala qabsaday gawaariada dagaalka iyo qaar la gubay.

Puntland ayaa sheegatay inay qabsatay deegaanka Tukaraq oo horaantii sanadkan ay la wareegeen Ciidamada Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE