Sawirro: Farmaajo oo soo gabagabeeyay safarkiisii Qatar

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa ka dhoofay maanta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa gelinka danbe laga sugayaa inay soo daaraan magaalada Muqdisho sida uu madaxweynaha warfidiyiinka u xaqiijiyay.

“Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay Dalka aan Walaalaha nahay ee Qadar, waxaanan hadda kusii jeedaa Dalkeyga, wada hadalladii na dhex maray aniga iyo Walaalkay Ammiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo kusoo dhammaaday guul”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay shacabka iyo dowladda Qatar sida ay usoo dhoweyeen, isagoona sheegay in guul uu ugu soo dhamaaday safarkiisa.

Intii uu madaxweynaha Doha ku sugnaa wuxuu la kulmay amiirka Qatar iyo wasiiro mug leh oo wafdigiisa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyada horumarinta quseeyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE