Michael Keating oo fariin deg deg ah u kala diray Somaliland iyo Puntland

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka qarxay agagaarka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Danjire Keating ayaa sheegay in codkiisa ku biirinayo baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dagaalka si degdeg loo joojiyo, lana gaaro xabad joojin iyo heshiis siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in dagaal mar kale dib u bilowda uu xaalada uga sii dari karo, isla markaana uu ka dhalan karo barakac iyo xaalad bani’aadanimo.

Mr Keating ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland inay si degdeg u raadiyaan xal nabadeed oo laga gaaro khilaafkooda iyo kala duwanaanshadooda.

Hadalka Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmo ka hor uu Madaxda labada maamul uu la kulmay, kaddib markii uu booqasho ku tagay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE