Farmaajo oo ka baaqday inuu ka qeybgalo shirka madaxda maamul goboleedyada

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee Baydhabo, iyadoo qorshuhu ahaa inuu ka qeybgalo xeritaanka shirka hase ahaatee uu Farmaajo sii dheereystay safarka uu ku jog magaalada Doha ee alka Qatar.

Safarka madaxweyne Farmaajo oo labo cisho horay loogu shaaciyay inuu qaadan doono ayaa sii joogi doona Doha inta laga gaarayo shirka Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka oo maalinta jimcaha ka furmi doona magaalada Istanbul.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha intii Madaxweynaha dib ugu soo laaban lahaa Muqdisho uu go’aansaday inuu sii joogo magaalada Doxa, kaddibna u dhoofo dalka Turkiga oo uu kaga qeyb galayo shirka Madaxda Ururka iskaashiga Islaamka oo ah mid degdeg ah oo looga hadlayo xaalada magaalada barakeysan ee Qudus iyo Safaaradda Mareykanka ka furatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo hada ah Kusimaha Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirka Golaha Amniga Qaranka uu ka qeyb galo, isagoo maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo.

Lama oga in Madaxda maamul goboleedyada ay aqbali doonaan shirka Golaha Amniga Qaranka in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku matalo Madaxweynaha, waxaana jira kala aragti duwanaan iyo khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shir uga socda Baydhabo, kaasoo aanay wali war murtiyeed ka soo saarin, waxaana shirkooda uu ahaa mid ka sii horeeyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo horay loo iclaamiyay inuu Baydhabo ka dhaco dhamaadka bishii March, hase ahaatee khilaafkii Baarlamaanka uu u hakaday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE