Faallo: Siyaasadda Soomaaliya hala quraan saaro

Halka ay kusii jeedo siyaasadda Somalia lama fahmi karo, waana mid shuhuubeysan oo u baahan in lagu kacsho quraan saar. waxaa isku qafoolan awoodaha labo dowladood, mida dhexe ee federaalka iyo mida maamul goboleedyada ee hannaanka beelaha ku dhisan.

Waxaa la yiri waa Federaal System balse aan laheyn fasiraad intaas dhaaf siisan. Dhicitaankii dowladdii Siyaad Barre, kadib Somalia waxay gashay jahwareer siyaasadeed oo aan dhamaad laheyn, inkastoo uu dhamaaday dagaaladii sokeeye oo ay iskaaga horyimaadeen xoogga qabiilada jabhadeysan marka loo fiiriyo qabsashada awooda dalka.

Mbaghati kadib Somalia waxay toos ugu gacan gashay hoggaanka wadamada deriska ah. Ethiopia waxay ku guuleysatay inay siyaasadda Somalia u noqoto hoggaan si toos ah iyo si dadbanba. Maamul goboleedka Puntland waxaa dhisay Males Zenawi, halka midka Jubbaland lagu magacaabayna laga maamulo magaalada Nairobi.

Maamul beeleedka Jubbaland wuxuu ku fidsan yahay magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow xarunta Axmed Madoobe, saldhig dhaqaalena waxaa u ah dhoofinta dhuxusha iyo xaluufinta dhirta. Dhinaca kale, Jubbaland waxaa lagu tilmaamaa nooc kale oo Soomaali Galbeed.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa awoodeeda amni gacanta ku haaya Xabashida, hase ahaatee nolosha iyo dhaqaalaha maamulkaasi si toos ah iyo si dadbanba wuxuu ku xiran yahay dhaqaalaha gobolka Banaadir.

Hirshabeelle waxaa hoggaan u ah Maxamed Cabdi Waare oo ku yimid doorasho rabitaanka dowladda federaalka, hase ahaatee shirka Baydhabo wuxuu u joogaa iyadoo Hirshabeelle masiibooyin daad ah qaadayaan, taasoo u muuqan dadka iyo duunyada ku waxyeeloobaya.

Galmudugna waxaa hoggaamiyo mid ka mid ah qabqableyaashii dagaalka ee macruufka ah, hase ahaatee aan dareemeynin durbaanka fowdada federaalisimka ee la garaacaayo.

Maamul goboleedyada waxay faraha la galeen awoodii dowladda dhexe, ha ahaato dhinaca arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo hannaanka amaanka iyo difaaca qaranka.

Shirkaan lagu magacaabay kii labaad ee madasha golaha maamul goboleedyada ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo ay kulashahay siyaasadda arrimaha Khaliijka saameynta ay ku yeelatay Somalia. Maamul goboleedyada waxay u sacabatumayaan in Imaarada Dubai ay la wareegto awooda gaashaandhiga iyo amaanka qaranka Somalia, taasoo ah mid aaneyn la gambaneyn. Madaxweyne Farmaajane iyo dowladdiisa waxay xoogga saareen cilaaqaadka Qatar.

Puntland waxay aad ugu xun tahay cilaaqaadka xooggan ee Somalia iyo Turkiga ka dhaxeeyo, waxayna si dadban dagaal ugu haysaa dowladda Somalia inay joojiso dhexdhexaadnimadeeda arrimaha Khaliijka. Dowladda federaalka haddii Qatar kasii jeedsato waxay la micno tahay iyadoo dowladda Somalia iska diiday taageerada xoogga badan ee Turkiga.

C/weli Gaas waxaa ka dhex yeerayo durbaanka xabashida oo ah Turkiga haddii ay dhisto awooda dhaqaalaha iyo difaaca qaranka ee Somalia waxaa hoos u dhacaayo fursadaheeda iyo faragelinta ay ku hayso Somalia.

Sidaas darteed shirkii iskaashiga golaha maamul goboleedyada ee Baydhabo waa mid qabashadiisa si cad ugu danbeeyaan Imaaraadka iyo Itoobiya oo heshiis ku ah in mandaqada Geeska Afrika loo daayo awooda Ethiopia iyo iskaashiga Imaaraadka.

Faallada Warfaafiye

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE