Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Tukaraq iyo xaalada deegaanadaas

Wararka laga helaayo dagaalka saakay dib ugu qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya inuu hakiyay roob xooggan oo deegaanadaasi ka da’ayo. Dagaalka u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland ee saakay ayaa ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka culus.

Hakadka dagaalka ku yimid ayaa ka danbeeyay roobab xoog leh oo iminka ka da’aya goobihii lagu dagaalamay.

Inkastoo aan wali la helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha dagaalka, hadana warar hordhaca ayaa tibaaxaya inay jiraan dhimasho, dhaawac, hub iyo gaadiid la kala qabsaday.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka kala tirsan labada maamul ayaa dagaalkii saaka guulo ka sheegtay. Sidoo kale waxay isku eedeeyeen mas’uuliyadda isku dhacii Tukaraq.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi oo hadlay wuxuu sheegay in dagaalkii saaka uu soo qaaday maamulka Somaliland, islamarkaana dib loo celiyay ciidamadooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo isna ka hadlayay magaalada Hargaysa, wuxuu tilmaamay in dagaalkii saaka ay soo qaaday Puntland islamarkaana laga guulaystay.

Balse warar ka madax bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in labada dhinacba dagaalkii saaka uu saamayn ku yeeshay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE