Akhriso: Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka oo la soo gabagabeeyay

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirweynaha Qaran ee daah furka dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galeen 300 oo ruux oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka, Xukuumadda, Aqalka sare, dowlad goboleedyada.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaja Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa shirka soo xiray, waxaana uu ku dheeraaday ahmiyada uu lahaa shirkan.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka sheegay marxaladihii uu soo maray shirka iyo howlihii soo socday, waxaa uu ka dhawaajiyay in sababaha shirka ay uga maqan tahay Jubbaland aysan aheyn Dastuur naceyb, balse arrimo kale ay jiraan.

War murtiyeed ka kooban saddex bog ayaa laga soo saaray shirweynaha, waxaana ku jiray qodobo badan oo ku aadanaa doodihii shirka, xilliga dib u eegista la soo gabagabeynayo, in sanadkan inta la dhiman la sii wado howsha dib u eegista, lana saxo qaladaadka farsamo ee ku jira.

Shirweynaha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in Dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, ayna Soomaali hoggaamineyso.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka laga soo saaray shirweynaha:

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE