End. Yariisoow oo taageere ka raadsaday odayaasha dhaqanka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yaiisow) oo dadaal ugu jira inuu xilkiisa difaacdo ayaa taageero ka raasaday odayaasha dhaqanka Beesha uu ka soo jeedo oo kulan weyn uu xalay ugu sameeyay gurigiisa.

Wararka ayaa sheegaya inuu Guddoomiye Yariisow martiqaad u fidiyay odayaasha dhaqanka Beesha Mudulood, kana codsaday inay taageero buuxda ka siiyaan culeyso uga imaanaya xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo muddooyinkan danbe la iska dhex marayay inuusan ku qanacsaneyn shaqada guddoomiyaha Gobolka.

Waa markii ugu horeysay ee Guddoomiye Yariisow uu taageero ka dalbado odayaasha dhaqan kabeeshiisa tan iyo intii xilka loo magacaabay muddo ka yar 4 bilood, waxaaan kulanka  dadkii lagu casuumay ka mid ahaa Imaamka, Ugaaska iyo odayaal dhaqameedka Beeshaasi.

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa lagy xusuustaa inuu xilliyadii ugu danbeeyay soo kiciyey odayaasha dhaqanka si ay u difaacaan inuu xilka sii hayo, taasoo socon weyday.

Isha Goobjooge

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE