C/raxmaan Caabi Faarax oo geeriyooday, Kuxigeenkii Xoghayaha Q-midoobay 1979-90

Waxaa 13 Maajo, 2018 ku geeriyooday magaalada New york Cabdiraxiim Caabbi Faarax – kaaliyihii hore ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1973-1978 iyo ku xigeenkii xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1979-1990.

Wuxuu ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo caan ahaa, kelina ku ahaa inuu derejadaa gaadho.

Waxaa geerida allaha u naxariistee Cabdiraxiim Caabbi Faarax oo hadda da’diisu ahayd 98 sano jir u xaqiijiyay BBC Cabdillaahi Maxamed Aar iyo Xasan Cabdillaahi Caabbi oo ka tirsan qoyska.

C/raxiim Caabbi (dhexda), Cumar Carte (Midig) iyo Xuseen Nuur Cilmi (Bidix)

Taariikh nololeedka Cabdiraxiim Caabbi Faarax warbixintan waxaa nooga diyaariyay Axmed Saciid Cige oo dhowr jeer la kulmay Cabdiraxiim Caabi Faarax .Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ku dhashay 22 october 1919 degaanka barri ee gobolka wales ee UK.

Waxbarashadiisii yaraantiisii wuxuu ku qaatay university college Exeter, markii dambena wuxuu ku dhamaystay waxbarashadiisa sare jaamicadda Oxford ee England.

Maamulkii British Somaliland ayuu shaqaale ka soo noqday isagoo ka soo qabtay jagooyin kala duwan.

1951-1960 waxaa jirtay mar uu noqday Cabdiraxiim Caabbi Faarax agaasimaha idaacadda Radio hargeysa xilligii gumeysigii ingiriiska.

Cabdiraxiim Caabbi Faarax xornimadii 1960kii wuxuu noqday safiirkii ugu horeeyay ee somaliya u fadhiista dalka Ethiopia magaalada Addis Ababa 1961-1965.

Cabdiraxiim Caabbi (midig) oo Soomaaliya ku matalaya Qaramada Midoobay

 

1965-1972 Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ahaa Wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya , isagoo weliba mudadii u dhaxaysay 1969-1972 ahaa gudoomiyihii gudigii la dagaallaanka midab-kala-sooca ee xornimadii dalka Koonfurta Afrika u halgamaayay.

Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu 1973-1978 wuxuu ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

1979-1990 Cabdiraxiim wuxuu ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay , waana qofka keliya ee soomali ah ee derejadaa gaadhay.

Weriyaha qoray warbixintan, Axmed Saciid Cige oo sheegay inuu kula kulmay Cabdiraxiim Caabbi Faarax markii ugu horeysay 1979 magaalada Hargeysa oo uu u yimid cabdiraxiim qaxootigii faraha badnaa ee soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo mar labaad oo isla Hargeysa uu kula kulmay sagaashanaadkii, ayaa wuxuu ku sifeeyay inuu ahaa “dibloomaasi waaya arag ahaa oo aad u yaqaanay dhaqanka Soomaalida iyo ka reer galbeedkaba”.

Muddadii ka danbeysay xilligaasi, Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu noqday hawlgab, laakiinse kuma joogsan sidaasi ee wuxuu 1991 hargeysa ka asaasay xarunta lugaha iyo gacmaha macmalka ah loogu sameeyo dadka miinada iyo dagaalladu ay naafeeyeen oo haatan bisha casi gacanta ku hayso.

Cabdiraxiim Caabi Faarax wuxuu ka dhashay qoys caan ah oo ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Caabbi Faarax, iyo Cabdiraxmaan Caabbi Faarax oo muddo dheer madax ka ahaa laanta afka soomaaliga ee BBC.

Sida qoyska alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Caabi Faarax xaqiijiyeen waxaa lagu aasayaa dalka mareykanka oo uu ku geeriyooday.

Isha: BBC

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE