Sawirro Xaalada Baladweyne iyo dad ku dhintay cagaf ku rogmaday

Magaalada Baladweyne ayaa xaalad cakiran ka taagan tahay, iyadoo gebi ahaanba magaaladu kusoo rogmadeen daadadka webiga Shabeelle, waxaana maanta ku dhintay halka lagu magacaabo Buundo-Koowaad ilaa shan qof kaddib markii ay gadoontay Gagaf ay la socdeen dad isaga kala gooshay magaalada.

Magaalada Baladweyne ayaa kala xireen daadadka kusoo rogmaday, iyadoo taasi ay keentay in magaalada la isaga kala goosho gaadiidka waaweyn ee loo yaqaan Cagafta.

Wararka laga helaayo Baladweyne ayaa sheegaya in cagfta gadoontay ay sidoo kale ku hoos jiraan tiro dad ah oo saarnaa, waxaana socda gurmad lagu soo saarayo dadkaasi nolol ama geeri.   

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE