Gabar Facebook ku taageertay dowladda oo Kismaayo lagu xiray

Wararka ka imaanaya magalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Jubbaland ay xabsiga dhigeen gabar ka mid ah dadka ku nool magalada Kismaayo taasoo facebook soo dhigtay erayo ay ku taageerayso Dowladda Soomaaliya, dad badana ay share gareyseen oo ay asxaabteeda kale la wadaagtay.

Gabadhas oo lagu Magacaabo Sahro Maxamed Yuusuf ayaa mudo saddex maalin ah u xiran maamulka Jubbaland balse maanta la ogaaday.

Illo xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen in xilliga la xirayay ay Suuqa magalada Kismaayo adeeg kasoo doonatay balse Ciidamada Jubbaland ay halkaasi ka wateyn.

Waxyaabah ay fikirkeeda ku cabirtay ee dowladda lagu taageerayay, isla markaana facebook lasoo dhigay ayaa waxaa ku jiray Erayo loogasoo horjeeday Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Mamulka Jubbaland ayaa horay dhowr mar u xiray dad bartooda facebook ku qoray erayo ka dhan ah maamulka Jubbaland,iyada oo taasi ay walaac ka muujiyeen Bulshada Magalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE