Sawirro: RW Kheyre oo kormeeray xarunta laga hago hawada dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Somalia, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee Maamulka Hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta Hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii Maamulka Hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.  

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE