CXD dalka oo u dabaal degay sanad guuradii 58-aad: Sawirro

12-ka April oo ku asteysan maalintii la aasaasay cududka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kasoo wareegtay 58 sano ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabadaasi darteed u diray qeybaha kala duwan ee ciidamada hambalyo ku aadan 12-ka April.

Farmaajo oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Alshabaab.

“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE