Sawirro: Paris Hiltin oo faraanti jooga $2 milyan ugu dhex dhumay kalaab

Paris Hiltin oo ku caanbaxday barnaamijyada Tv-yada islamarkaana ah ganacsato ayaa wajahday walwal iyo cabsi kadib markii maalmo ka hor faraantigeedii guurka oo joogay lacag 2 milyan oo dollar ah uu ugu dhex lumay kalaab lagu caweeyo oo ku yaal magaalada Miami ee gobolka Florida, USA.

Dhacdadan oo ay Paris qudheeda ku shaacisay baraheeda bulshada ayaa waxaa ay sheegtay in arrintani sababtay in kalaabka laga wada saaro dadkii ku jiray oo boqollaal gaarayay si loo raadiyo faraantiga lumay.Faraantiga oo aad u cuslaa islamarkaana dheeman u badnaa ahaana midkii gacaliyaheeda Chris Zylka u geliyay ayaa waxaa uu farteeda ka duulay amaba ka baxay xilli ay ciyaareysay.

Waxa ay sheegtay in faraantiga nasiib wanaag markii dambe laga dhex helay baaquli baraf ku dhex jiray, sidaasna ay niyadda ugu dagtay.

Haddii uu u gacangeli lahaa dad kale ayay sheegtay in eysan dib dambe u arki laheyn oo dadka helay ay ka duceyn lahaayeen. 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE