Ilaalada madaxtooyada oo rasaaseeyay gaariga hanti dhowrka: Sawirro

Ciidamada ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo ku sugnaa isgoyska Sayid ayaa rasaaseeyay gaari noociisa uu ahaa kuwa ah ee xabadaha karin.

Gaarigaan oo ahaa nooca Bullet Proof ee aan xabaddaha karin ayaa wadan wax taarko lagu aqoonsado, markii ciidamada ka codsadeen inuu joojiyana uu diiday darawalkii waday, oo kaligiis ahaa, sidaasina lagu rasaaseeyay, isagoona taayarada looga dhuftay rasaasta, islamarkaana uu ka baxo wadada.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo rasaasta kasoo gaartay dadkii ku jiray Gudaha Gaariga, maadaama uu yahay nooca aan xabada karin, waxaana sidoo kale la shaacin natiijada baaritaanka.

Goobta lagu rasaaseeyay Gaarigan ayaa Todobaadyo kahor waxaa ka dhacay qarax gaari, iyo weerar toos ah oo rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Gaariga uu leeyahay Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxmuud Cali [Afgooye], kaasi oo aan la socon Gaariga xilliga shilka.

Amaanka wadooyinka gala Villa Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay weerarka, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay kuwii horey u joogay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE