Heshiiska Berbera waa qeyb ka mid ah istaraatiijiyada isbadalka qaruumaha Geeska Afrika

Dowladda Somalia ayaa horay u dayacday arrimaha Berbera ka taagan, si la mid ah siday u dayacsan yihiin amaanka gudaha ee dalka.

Baarlamaanka Somalia ayaa horay u qaban qaabiyay mooshino ku saabsan saldhiga milateri ee Imaaraadka ee Berbera ka sameysanaayo iyo dekaddaha Soomaaliyeed ee lala wareegay sida Berbera iyo mida Boosaaso.

Hadda waxaa laga qeylinayaa Ethiopia oo ku biirtay heshiiska Berbera, berina waxaa la arki doonaa Ethiopia oo ku jirta heshiiska dekadda Boosaaso ee DP World iyo Puntland, weliba Ethiopia waxay qaadatay share ahaan tan Berbera 19%, Hadda Puntland haddii aan hadda laga hortegin arrinta Boosaaso, Ethiopia waxay qaadan doontaä qiyaastii 49%, DP World-na waxay qaadan doontaä 50%. C/weli Gaasna wuxuu ku qanci doonaa 1%.

C/weli Gaas waaguu ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, wuxuu dowladda Kenya u fududeeyay inay qabsato gobolada Jubbooyinka, iyadoo madaxweynihii xiligaas jiray Sh. Shariif aan waxba ka ogeyn.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, wuxuu Kenya ku wareejiyay qeybo ka mid ah dhul badeedka Soomaaliyeed ee dhinaca Koonfurta ah, xuduuda Somalia ay la wadaagto Kenya. Halka C/llaahi Yusuf Axmedna dalka ilaa magaalo madaxdiina wuxuu soo geliyay 50 kun ciidan Ethiopian ah.

C/raxmaan Faroole-na wuxuu la yimid dastuur u fududeynaaya dowladdaha deriska inay sheegan karaan qeybo ka mid ah xuduudaha iyo dhulka Jamhuuriyada Somalia, Muqdishoowna aan lagu caddeyn inay tahay magaalo madaxdii Soomaaliyed.

Qiyaamooyinka qarameed si cad ayey 10-kii sano lasoo dhaafay ugu jireen dalkeena. Marka maxaa hadda looga hadlaa, kuwii Puntland-ba xisaabtan qaranba lama gelin.

Warar ayaa sheegaya xaaladaha burburka ee soo dhow dalka Ethiopia in ay wax badan ka badali doonto qaruumaha Geeska Afrika, khariirad ahaan iyo siyaasad ahaanba (Geo-politics).

Ethiopia ayaa u kala daadan doonta sidii Yugoslavia. Waxaa la qorsheynayaa in Geeska Afrika ay ka dhalan doonaan laba dal oo waaweyn. waxaa is raaci doona qowmiyadaha Soomaalida oo dhan, Cafarta iyo Oromada oo isku noqon doona hal dal, halka dhinaca kale isku raaci doonaan qowmiyadaha la isku yiraahdo isirka Semantics sida qowmiyada xabashada oo dhan, Amxaarada, Tigreey iyo Eriteria.

Waxaa la qiimeeyay in Somalia kaligeed dowlad ahaan karin, isla markaasna noqon karin qaran taagan oo ka mid ah dunida inteeda kale. waxaa loo arkaa inay tahay mujtamac qabiil, haddana isku hal isir ah oo haddana wada qaraabo ah, dhiig iyo dhaqanna ka wada dhaxeeyo, inkastoo dadka reer guuraagu yihiin bahalo aan ka maagin qabiil iyo dhaqamada qabyaalada ee foosha xun.

Bahal-dilnimada qaranimada Soomaaliyeed bilow uma ahan arrinta Berbera, hase ahaatee gooni goosadnimada Somaliland waxay ifafaale u tahay isbadal qaruumaha ee waqtiga dhow geeska Afrika ka dhici doanaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE