Olole lagu qurxinaayo wadooyinka oo Muqdisho ka bilowday: Sawirro

Dhalinyaro is-xil qaantay ayaa bilaabay olole iskaa wax u qabso ah oo ay ku qurxinayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ololahaan oo ka bilowday degmada Xamar Jajab iyo Waaberi ayaa waxay dhalinyaradaan ay ku qurxinayaan wadooyinka laamiyada ah oo ay u sameynayaan calaamadaha wadooyinka oo kalaro kala duwan leh.

 

Guudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Xamar Jajab Cali C/qaadir  Faarax oo ka mid ahaa dhalinyarada ka qeyb qaadanayay horumarka wadooyinka Muqdisho ayaa ku amaanay dhalinyarada isku filnaashada ay muujinayaan dhalinayarada Soomaaliyeed iyagoo 75% ay yihiin dhalinayaro guud ahaan dalka  maamulkuna uu si dhaw ula shqaqeyn doono.

Bilihi ugu dambeeyay ayaa waxaa soo kordhayay dhalinyaro iskaa wax u qabso ku qurxinayo laamiyada magalaada muqdisho kuwaas oo wax badan kusoo kordhin doono bilicda caasimada ee Muqdisho.

You might also like More from author

1 Comment

  1. Mohamed Ahmed says

    Masha allah arrin aad iyo aad u wanaagsan bay qabteyn dhallinyaradda Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyaraada reer Muqdisho taasi oo ah mid ku dayasho leh, waan ku soo dhoweynaan hawshaasi sida wanaagsan u qabteen, waxaan kaloo ka codsanayaa dhallinyaradda in ay sii labalaabaan hawsha oo aysan intaasi ku ekaan, dalka dhallinyaro baa dhistaha, guul wanaagsan baan idin leeyahay Caasimaddi Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE