Al-Shabaab oo lagala wareegay degmada Sablaale iyo xarumo kale

Howlgal ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose waxay kula wareegeen degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale howlgal midkaan la mid ah oo ciidamada Danab ay fuliyeen ayey ku burburiyeen xaruntii idaacaddii kooxda Al-Shabaab ee Anduluus, taasoo ku till degaanka Mubarak.

Ciidamada xoogga dalka ee la wareegay degmada Sablaale ayaa waxaa wehliyay kuwa AMISOM oo si rasmi ah gacanta ugu gashay, waxaana ay ka fuliyeen degmada howlgal baaritaan ah.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sidoo kale kooxda Shabaab ka burburiyeen labo gaari oo siday qaraxyo, kuwaasoo ay suurtagal tahay in ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

Abaanduule Caanood, ayaa tilmaamay in sida ay u burburiyeen idaacada Anduluus ay mari doonaan Al-Shabaab.

“Go’aankeenu waa inane Al-shabaabku marina halka ay martay Idaacada Anduluus oo aan burburinay’’ ayuu yiri Taliye Caanood.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in ay qaadi doonaan howlgal lagu burburinaayo awooda kooxda Al-Shabaab, inkastoo ay muuqato awooda ay ku leeyihiin gobolada dalka qaar iyo in ay u fududahay qaraxyada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE