Daawo: Shiinaha oo bilaabay adeegsiga ookiyaale dambiilayaasha bar-garta

Booliska dalka Shiinaha ayaa bilaabay adeegsiga tiknooliyada casriga ah si loo bar-garto dambiilayaasha lagu raad joogo. booliska ayaa bilaabay inay gashtaan ookiyaale bar-garta dambiilayaasha oo si deg deg ah u aqoonsanayo, waxayna tallaabadaani markii ugu horeysay ay ka dhaqan gashay Shiinaha lagu bar-gartay todobo dambiile oo dambiyo waaweyn galay.

Ookiyaalaha ayaa ku rakiban kaamiro casri ah oo bar-garaneyso dambiilayaasha lagu raad joogo oo aqoonsanaayo muraayadaha ku rakiban.

Waxay horay booliska Shiinaha u adeegsan jireen kaamirooyinka sawirada ee muuqaalka ah laakiin hadda tiknoolajiyadda ayaa sare u kacday, waxaana kaamirooyin casri ah lagu rakibay muraayadaha ookiyaalaha oo si fudud wajiga dambiilaha u aqoonsanaayo.

Sida laga soo xigtay Daily People oo ah wargeyska rasmiga ah ee China, ookiyaalahaan ayaa ka awood banaan doona kana tayo wanaagsan kaamirooyinka ku rakiban goobaha mashquulka sida xarumaha tareenada ka baxaan iyo goobaha kale ee dadku ku badan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE