La-Yaab: 50 Cent oo hilmaamay $8 milyan oo macaash uu helay: Video

Heesaaga reer Maraykan ee 50 Cent ayaa kusoo baraarugay lacag malaayiin dollar ah oo meel u tiilay, taasoo uusanba ka war qabin.

50 Cent oo lagu yaqaan fataalnimada iyo lacag ku dheelka ayaa $8 Milyan dollar oo kasoo gashay albumkiisa Animal Ambition ee uu sameeyay 2014-kii ay ugu dhacaysay acoun uu ku lahaa shabakadda Bitcain ee Internet-ka oo heesahiisa looga iibsanayay.

Markii danbe ayaa acounkiisa waxaa ugu soo dhacday lacagtii ugu soo xarooday Bitcoin inkastoo uusan ka war hayn balse markii danbe kusoo baraarugay.

50 Cent ayaa sheegay in arrintaani uu aad ugu farxay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Instagram ku muujiyay sida uu ugu farxay dhacdadaan yaabka leh.

Heesaaha 50 Cent ayaa Heesta “In Da Club” uu horay ugu hadlay lacagta iyo in uusan ka walaacin kuna baashaalo, waxayna heestaan xaqiiqo noqotay markii uu $8 milyan dollar uuba iska hilmaamay.

 

Heesta Daawo Heesta In Da Club

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE