Cilmi baaris lagu ogaaday in Basasha daawo u tahay cudur dunida ku faafsan

Cilmi Baarayeyaal ayaa sheegay in Nooc ka mid basasha  la ogaaday  in laga sameeyo dawada looga hortago cudurka qaaxada, Islamarkaana ay daawo u tahay Qaaxadda.

Waxaa cilmi baarista lagu sameeyay jaamacadaha London iyo University College of London ee dalka UK.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in maaddooyin ku jira basashan oo lagu magacaabo Persian in ay xitaa gacan ka geysan karto daweynta nooca qaaxada ee adkaysiga u leh dawooyinka.

Dr Sanjib Bhakta oo hormuud ka ah kooxda cilmi baarayaasha ayaa yiri “Inkasta oo uu socdo dadaal caalami ah oo looga hortagayo qaaxada, haddane sanadkii 2016-kii waxa uu ku dhacay 10 milyan oo qof, 2 milyan oo ka mid ahna waa ay u geeriyootay”.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay Basashu ay muhiim tahay u tahay cudurkaasi.

Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa si weyn looga Isticmaalaa Basasha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE