Soomaali modelada dharka u xayeysiiya shirkadaha waaweyn oo wacdaro dhigay: Sawirro

Mahad Musse (20-jir) kuna nool dalka Norway ayaa kusoo biiray modelada dharka u xayeysiiya shirkadaha waaweyn, waxaana uu ka qeyb galay bandhig lagu xayeysiinayay dharka sannadkan 2018 kaas oo ka dhacay magaalada Paris.

Shirkadda VOGUE ee ka hadasha dharka iyo modelada xayeysiiya ayaa daabacday in Mahad uu ka mid yahay siddeed rag ah oo sannadka diiradda saaran kuwaas oo soo-jiidasho leh.

Xalay ayuu Mahad kasoo muuqday bandhigga xayeysoosla magaalada Paris isaga oo dhar u xayeysiinaya shirkadda  Louis Vuitton.
” Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid noqda ragga dharka xayeysiiya ee heerka caalami ah”, ayuu Mahad ku yiri warbaahinta Min Mote.

Xayeysiiska ay u sameysay shirkadda VOGUE ayaa u sahashay in uu soo dhex galo bahda ragga xayeysiiya dharka heer caalami, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay fursaddaas la siiyay.

Kadib xayeysiiskii xalay Mahad ayaa waxaa daneynaya shirkado kale oo dharka xayeysiiya kuwaas oo bookin ka sameystay.

Magaalada Paris ayaa waxaa ka furmay isbuucaan munaasabadda xayeysiiska dharka cusub ee sannadka 2018 kaas oo soconaya mudo isbuucyo ah.  

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE