XAQIIQDA: Musuq-maasuq hareeyay Hey’addihii Sharci-dejinta Somalia

Sida la og yahay dastuuriyan, Baarlamaanku waa hey’ad sharci dajineed, uguna muhiimsan qaybaha saddaxda ah ee hab-dhiska nidaamka dowladnimada. Markii hore, marka la tilmaamaayo maamul iyo nidaam xumo, dadku waxay u arkaayeen inay ka dhex jiraan oo kaliya hey’adaha xukuumadda, kuwa ciidamada, adeegyada amniga iyo nidaamka howlaha garsoorka, bal waxaa jira in laga indi-xirnaa baahsaanta, sida maamul xumida iyo musuqmaasuquba ay u asiibeen waajibaadkii iyo howlihii baarlaamaaniga, xagga adeegyadiisa sharci dejineed iyo nidaamka howlgalkiisa guudba.

Howlihii iyo nidaamkii guud ee baarlaamanku waxaa harreeyay duruufo qalafsan marka la eego dabeecadda hoggaanka iyo maamul-xumida Guddoonka, oo si liidata u haga haanaanka mas’uuliyaddiisa dastuurga ah, iyadoo dhab ahaan, Guddoomiye Mohamed Sheikh Osman, Jawari iyo ku-xigeenkiisa labaad, Mahad Cawad Cabdalla, lagu tilmaami karo inay yihiin kuwo aan waddaniyiin ahayn, welibana aan daacad ahayn. Xilka ugu muhiimsan oo ay haayan waxaa la arkaa oo kaliya xiliyada Mooshinada iyo isku shaadheynta Golaha Wasiiradu ay jiraan.

Waxy kaloo firfircooni yaab leh ay ka muujiyaan dhanka  la beegsiga gacaamo daahsoon xagga maamulka hab-xisaabeedka iyo ku takrifalka miisaaniyadda baarlamaanka, shaqo-siininta shaqaale si qabyaaladeysan loogu meeleeyo xafiisyada baarlmaanka iyo soocid xildhibaano si gaar ahaaneed loogu xushay ka mid noqoshada guddiyada joogtada ah oo aan ku imaan la tashiga iyo kalsoonida xubnaha Golaha Shacbiga si waafsaqn  nidaamka xeer-hoosaadkiisa, haddii uu jiraba.

Mundane Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa waxay xarfaan ku yihiin isticmaalka qalmaan aan habbooneyn, lana beegsadaan hab-xisaabeedka maaumulka Miisaaniyadda Golaha. Maskaxda maamul-xumida waxaa si aan xishood iyo asluub midna lahayn u haga Mahad Cawad, taasoo Guddoomiye Jawaar ay ka dhigtay inuu noqdo qof u hoggaansamo.

 Shaxda aan weli loo soo bandhigin isla-xisaabtanka ayaa waxaa ku cad in  Misaaniyadda Baarlamaanku loo qoorshveeyay sannadkii inay ahaato $18 Malyan. $12 Malyan waa kharaj sannadeed loo qoondeeyay in lagu bixiyo gunnooyinka siyaasadeed ee xildhibaannada iyo mushaharooyinka shaqaalaha xafiisyada Golaha Shacabka, halka $ 6da Malyan ee soo harta, aan laga heya wax xisaab-celin ah. Hubaal la’aan iyo wax iska weydiin badan ayaa ilaa hadda taagan, guddoonkana uu diiddan yahay inuu golaha ka siiyo warbixin hufan ee waafi ah.

Si kastaba, waxaa daahsoon, xildhibaannaduna saluugsan yihiin , sida gacmaha aan hufnayn loola beegsado hab maareynta nidaamka maamulka xisaabaadka iyo miisaaniyadda Baarlamaanku ku howlgalo. Illaha miisaaniyaddu waxay ka timaadaa dadka canshuur-bixiyayaasha ee Soomaaliyeed, gaar haan kuwooda Muqdisho. Dhanka kale, waxaa kharajyada miisaaniyadda si toos ah u kaba dowladaha Turkiga, Norway, Germany (Max Plan), UNDP iyo Aweeba. Waxaa dood la gelin karin, Jawaari iyo Mahadba inay si waalan u dex-jiifaan musuqmaasuq dhinac walba ka harreeyay nidaamka Baarlamaanka, Waxay dhacaayaan umaba arkaan inay tahay hantida qaranka. Ujeeddadooda ugu weyn waxay tahay iyagoo og inaan teeram saddaxaad loo dooran doonin hoggaanka guddoonka, sidaas darteedna ay ka muuqato dadaal badan oo ay naftooda ugu hagar-baxaayaan gacmo-gacmeysiga hantida iyo deeqaha kale ee soo gaara baarlamaanka.

Dowladda Turkiga ayaa yaqiinsan sida khaldan ee loo maamulo kaalmadeeda. Waxaa gunnooyinka xildhibaannada laga jaraa lacago dhigaal ah, låna qoondeeyay inay baxdo, waxa loogu yeeray “Daryeelka Xildhibaanka” midkooda xannuunsada ama geeryooda, halka isla-kharajkaasina Turkigu kabto. Guddoonku waa diidaa arrintaasi kala saaristooda inuu fasiraad ama faahfaahin cad ka bixiyo. Hal mar ayay dhacday in guddoonku si cago jiid ah u soo bandhigo hab xisaabeed aan weli hufnaanteeda la isku raacin, kuna saabsan sida loo maamulo dhigaalka daryeelka xildhibaanka, bal weli waxaa harsan doodo iyo caddeymo u baahan in si dhab ah, saxna ah loo muujiyo.

Xildhibaano hore iyo kuwa hadda jooga ayaa siyaabo kala duwan u helin gunnooyinkooda, waxaana jira tuhumo fara badan ee ku-takrifal ah iyo in si mammut xumo ah loo leexsaday. Warar kale, ayaa sheegaya in guddoonku weli la amusant yahay inuu fadhiyada Golaha ka dex-shaaciyo, UNDP oo kalmo dhan $ 4 Malyan soo gaarsiisay Baarlamaanka, waxaana la hubin inay tahay mid miisaaniyadda ku jirta ama ka baxsan.

Waxaa jira shaqaale iyo agaasimaayal ku meeleysan waaxyaha iyo xafiisyada kale ee Golaha Shacbka. Isku-geyntooda inta diiwaan-gashan waa 375. Inta la og-yahay,  soona shaqo, kama badna 35 ilaa 40 Shaqaale ah. 200 ka mid ah shaqaalaha diiwaan-gashan waa qaraabada Guddoomiye Jawaari. Agaasimayaasha diiwaan-gashan waa 16, waxaa ka howlgala 8 ka mid ah, oo 2 agaasime aan ka mid ahayn xigtada Mundane Jawaari. Sidoo kale, waxaa kaloo jira 11 qof oo iskugu jiraan ajnabi iyo Somali, kuna magacaaban “La-taliyeyaal”,  waxaa la siiyaa mushahar iyo gunooyin xoog badan. Waxaa guddoonka ilaa hadda laga la’yahay xisaab celin faahfaahsan, laguna caddeynaayo waxa iyo sababaha lacagaha faraha badan tasarufka ah aan la ogen sida loo siiyo la taliyayaal iyo Agaasimiyaal aan background-kooda cadeyn. Waxaa shaki ku jirin lacago badan in lagu lusado magac shaqaale.

Baarlamaankaan 10aad iyo kii 9aadba waxay wadaagaan inaan la tixgelin jirin xeer-hoosaad uu ku shaqeeyo nidaamka fadhiyadiisa, cudurdaar aan waafasanayn qaanuunka golaha ayaa in badan fadhiyadu ku baaqdaan wax lagu tilmaamay kooram la’aan oo aan wax la iska isweydiin sida ay ku dhacdo,  iyadoo kan hadda ee tobanaad, aanba jirin xeer-hoosaad lagu shaqeeyo iyo weliba ay cadi iska noqdeen nidaam xumo ay marar badan ku fashilmaan  howlihii iyo fadhiyadii Golaha. Ma jiro wax nidaam ah oo xeerinaaya isla xisaabtan. Guddoonku waa ku guuldarreystaa aqblaadda ama xurmeynta doodaha iyo soo jeedimaha la xiriirta talooyinka sharci ee ka midka ah waajibaadka xildhibaanka.

Guddiga Xeer-hoosaadka, waxaa Guddoomiye u ah Xildh. Mohamed Moalim Yaxye oo ah mudane ay isku heyb yihiin Mudane Jawari ayaa muddo sannad ah hagranaayay in dib u eegis lagu sameeyo xeer-hoosaadka saldhiga u ah howlaha Baarlamaanka, sabbao la xiriira danaysi shaqsi ah. Mohamed Macalin Yahye, wuxuu muddadaas si aan leex-leexad ah lahayn u raajicinaayay in uu helo xil-wasiirnimo oo kafiil ka yahay Mudane Jawaari. Hagrashadu waxay abuurtay inuu hakado dib u eeggista Xeer-hoosaadka, iyadoo xaqiiq dhab ah tahay Xildhibaan Mohamed Macalin, iska-ilaalinaayay inay isku dhacaan isaga iyo Jawaari. Waxaa caddeemo loo haaya inay isku milan yihiin labadii awoodood ee dastuuriga ah, Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo aan jirin xeer u kala sooca mas’uuliyadda iyo xeerar isla-xisaabtan ah.
 

Xulushada xubnaha ka mid noqonaaya guddiyada joogtada ee baarlamaaniga ah ayaa ah kuwo aan ku saleysanayn maaba’diida nidaamaka Golaha iyo xeerarka saldhigga u ah shaqada sharci-dejinta. Guddiyada waxaa xubno ka ah xildhibaanno aan waayo arag ahayn, laguna soo soocday hab aan wafaqsanayn himilada iyo nidaamka sharci-dejinta. Xubnaha qaarkoodna waxaa loo tixgeliyaa shuruudo ku saabsan inay yihiin kuwo cusub oo aan aqoon u lahayn howlaha guddiga ee xubnaha ka yihiin ama guddoomiyaha looga dhigay. Arrimha guddiyada qaarkood waxay baarlamaanka u soo hooyaan sumcad xumo iyo in la waayo fursado hufan ee la xiriira xil-gudashada xubnaha guddiyada

Tusaale, Guddiga Maaliyadda, waxaa madax u ah, xildhibaan da’ yar ah oo aan cimrigii soo arag nidaam guud ama meel looga shaqeynaayo maamul maaliyadeed. Waa wiil ay si dhow ehel la ah Mohamed Sh Osmaan Jawaari, Guddigiisa waxaa xubno ka ah rag loo nisbeeyay wada-shaqeyntii Ex- Wasiirkii hore ee Maliyada, ninka lagu magacabo Fargeeto oo muddadii Wasiirku ahaa Somalia gashay xili musuqmaasuqeedu lagu tilmaamay midka ugu ayaanka darran ee dunida inteeda kale.. Tusaale, waxaa xubno ka ah ilaa hadda Xildhibaano lagu tilmaami karo kuwo aan ehel u ahayn dowladnimada, sida Abdullahi Mohamed Nur, Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda, kaasoo lagu tilmaami karo qof aan u bisleyn inuu ka xishoodo wax is-dabamaryeenta. Sababta ugu muhiimsan ee Mudane Abdullahi M Nur loogu daray Guddigaan ayaa lagu tilmaami karaa, “inuu daahaaro dambiyadii ay wadagaleen isaga iyo Fargeeto”.

Tusaasle kale, Fowsiya Mohamed Sheikh waxay Guddoomiye ka tahay Guddiga joogtada ah ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ah Guddiga ugu muhiimsan Guddiyada Joogtada ah. Waa guddi awood dastuuri ah u leh inuu si qeexan u soo bandhigo isla xisbaatan la xiriira marxaladda amni ee dalka, laguna tilmaami karo inay ka jirto hagar badan. Shaqada Guddigut waa asalka isha u xilsaaran dabagalka hey’adaha dowladda ee qaabilsan howlaha amniga. Somalia ma laha taliyayal amni ee aqoon waaci ah leh, iyadoo NISA iyo Boliiskana aanay jirin cid magacaaban ee lagu la xisaabtami karo.

Fowsiya waa xildhibaanad si heyb ahaan isku dhow yihiin Mudane Jawaari. In kastoo dhowr baarlamaan ay xubin ka soo noqotay, min Mbegathi-gii fashilmay ilaa midka hadda ee 10aad. Xiligaan uu dalka maraayo marxaladda adag, haddana way yar tahay fursadaheeda isa soo xaadarinta fadhiyada baarlaamanka ama inay goobjoog u noqoto guddoominta howlaha guddiga ay u xilsaaran tahay. Xildhibaan Fowsiya waa qof aan xogogaal u ahayn waajibaadka ay u xilsaaran tahay marka loo ego maqnaanshiyaheeda fara ka baxa ah. Waxay inta badan mushquul weyna ku tahay howlaheeda gaarka ah, gaar ahaan hantida iyo ganacsiga ay ku leeydahay Dubai. Mudane Mohamed Sh Osman Jawaari ayaa qaaday mas’uuliyada ah inuu damaanad ka yahay Fowsiya M Sheikh.

Waxaa kale, oo dhanka kale jiraan ergooyin ama wufuud xildhibaano ah, kana aradan aqoon iyo waayo-aragnimo, Guddoomiye Jawaari iyo Mahadne u soo xusheen inay Baarlamaanka Somalia u matalaan xubin ka noqoshada African Parliamentary Union, Arab Parliament, ACP (African-Caribbean & Pacific) oo hoos timaada Midowga Europe. Sumcad-xumo weyn ayaa halkaas ka taagan, dhaqan-xumadii gudaha ee aan la dhaalo-dhacaynay ayaan geynay fagaarayaaha caalamiga. Ergooyinkeena waxaa laga dhigtay kuwo lagu qoslo, laguna maadeysto, marka la arko tayo-xumadooda iyo aqoon-la’aantooda.

Si kastaba, guddiyo badan ayaa la mid ah, kuna fashilmay howlihii loo ikmaday. Guddoonku wuxuu inta badan daahasaaraa  tayo-xumida waxqabadkiisa iyo isagoo diiddan inuu maro nidaamka isla-xisaabtanka ah. Firfircoonnida Mudane Jawaari iyo Mahad Cawad Abdalla waxaa la arkaa oo kaliya marka mooshinno ay jiraan, iyagoo si xushmo darran uga qaraabta dhanka xukuumadda, oo ujeeddadu tahay in la miciyo siibo mooshinada halista ah. Tusaale waxaa nooga fiilan ka hortaggidda mooshinkii gole soo joojintii (Impeachment) Hassan Sheikh ee baarlamaankii 9aad, iyo kuwo hadda loo gubiyay baarlamaanka tobanaad, sida Saldhiga Berbera ee UAE iyo sidoo kale dekedaha mammal-goboleedyada qaarkood ay kula heshiiyeen la wareegistooda shirkado Iimaaraadka ka tirsan. Waxaa kaloo jiraan mooshino abaabulkoodu socdo, la doonaayo in Guddoonka loo gacan-geliyo ka soo noqoshada fasaxa kadib.  Midka ugu muhiimsan waa Gole soo-joojinta Madaxweynaha.

Sababaha cad ee loo diidan yahay Xildhibaannada waayo aragga ah, aqoonta iyo kartida xirafeedna leh, inay ka mid noqdaan Xubnaha ama hoggaamiyaan guddiyada joogtada ah ama inay ka mid noqdaan ergooyinka dibadaha u matalaya, ayaa ah, waa yagoo looga cabsi qabo inay toosh ku ifiyaan shuhuubooyinka iyo gacmaha daahsoon ee guddoonka dhinacyada maamul-xumida iyo sida qaabka darran oo ay u gacamogacmeystaan maamulka xisbaadka, miisaaniyadda iyo arrimaha la xiriira shaqaaleynta.
Waxyaabaha ilaa hadda lala yaaban yahay, waxaa ugu muhiimsan, guddoonkuna ku guuldarreystay, waxaa ka mid ah, inaan weli baarlamaanku intii uu furnaa la horgeyn ajande ahaan, ka doodista ama xus looga baroordiiq ah, kuna saabsan dhacdadii is-goyskii Zoobe ee14kii Oktoobar 2017. Dadkii ku geeryooday ama ku dhaawacmay ama ku hantibeelay waa kumanaan. Waa dhacdo ugub oo aan horay soo marin taariikhda Soomaaliya inta laga pg yahay. waxay taabatay qof kasta iyo qoys kasta oo Soomaali ah. Baarlamaanku waa seegay doodihii uu ka yeelan laha dhacdadii muragada xoogga lahayd, halka laga xusay, loogana murugooday meelo kale dalka gudahiisa ama dibaddiisa ah.
Dowlado iyo ururo badan oo adduunka ayaa ka murugowday halaaggii Zone Zobe ka dhacay. Waxaa baroordiiq darteed, dabkii looga damiyay goobo kala down oo calami ah,  taariikhina ah, sida “Paris Eiffel Tower”, waddooyin waaweyn iyo goobo kale ee taariikheed kula kala yaal Mareykanka, Canada, Europe iyo meelo ee dunida ah, halka mid ka mid ah kulumadii Goliha Amaana ee QM laga muujiyay xus loogu baroordiiqaayay dadka Soomaaliyeed oo waxyeelada ka soo gaartay shirqoolkii argagaxisdu sida ba’an u maleygtay.

Waxay Xildhibaanno badan guddoonku weydiisteen in si aad ah loo soo gaabiyo fasaxa xildhibaannadu ku jiraan, fadhina la iskugu yeero, si looga hadlo dhacdooyin waa weyn ee soo biiray, si meel loo saaro weer mirasho ah, waqti aan habbooneyn lagu qaaday mid ka mid siyaasiyiinta macruufka ah, dhiigna lagu daadiyay. Arrintaan waxaa lagu soo begay islamarkiiba xubnaha Golaha fasaxu-galeen.

Waxaa kaloo soo biiray in Kenya ku soo had-gudubto xuduudda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka Buulo-xaawo, iyadoo ay weli daba joogto in ay xariiq ku toosiso khariidad beenaadkii ay ku boobeyso dhul-biyoodka Soomaaliyeed. Waxaa hadda la rumeysan karaa jawaab la’aanta Guddoonku inay ka dhigan tahay diidmo iyo tixgelin la’aan.

Waxaa iyadana hubaal ah in Ethiopia xirtay labada Wabi, Jubba iyo Shabeelle. Waa qaleel, beeraleey badana way soo bara-kaceen. 300 oo xiro oo barakacayaal badani ku soo qamaameen ayaa laga furay Koofur-galbeed, deegaanna u ah Guddoomiye Jawaari.

Waxaa in la tilmaamo mudan Hoolka fadhiyadu ku qabsoomaan, “waa gidaar garaash ahaan jiray”, kana mid ahaan jiray xayndaabkii Gurigii Ummadda ee burburay. Darxumida iyo dayaca ka muuqda waxay sawir cad ka bixinaayaan inaan dalku lahayn moraal dowladnimo,  shaki la’aan, waxaana la tuhmayaa in lala kacay  maalgelintii Turkiga ee dib u dhiska Xaruntii sharci dejinta. Hadda Guddoonku wuxuu isku qanaciyaa  xarun shaqo inay u tahay Villa Hargeysa oo ka mid ah dhismo-xafiiseedyada Madaxtooyada. “Villa Somalia” sharciyan waa mamnuuc in la la wadaago Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama laga soo ag-dhowaado.

Musuqmaasuqa iyo maamul-xumida ragaadiyay waajib-gudashadii Baarlamaanka ayaa waxaa dabcan mas’uuliyadiisa koowaad loo tirinayaa guddoonkiisa, gaar haan, Mudane Mohamed Sh Osman, Jawari oo ah Af-hayeenka Baarlamaanka iyo Mahad Awad, oo ah ku xigeenka labaad ee Af-hayeenka Golaha Shacbiga.

Mudane Jawaari waa aqoon-yahayn technograt ah iyo oday waayo-arag ah, laakin qof isagoo kale ah, aan laga maleysan karin in muujiyo hoggaan xumo. Wuxuu leeyahay qibrad dheer ee shaqo iyo awood-lahaansho ballaaran, uuna wax ku maamuli karo, hase ahaatee, khaladaadka iyo dayaca uu sameynaayo ayaa waxaa loo arki karaa inay yihiin kuwo ula kac ah, si bareer ahna uu u sameynaayo.

Waxaa su’aal ah in la qeexo sabbata ugu weyn ee Talyaanigu u guddoonsiiyo Mudane Jawaari bilad sharaf aad qiimo badan, iyadoo la ogyahay waqti soddon sanno ku dhow in aanu jirin xiriir firfircoon oo ka dhaxeeya Somalia iyo Itala. Bildada waxaa Jawaari guddoonsiiyay ergay matalaayay Madaxweynaha Talyaaniga, S.E. Presidente Sergio Matterlla. Somalia waxaa xiligaan ka jira xubno ku milan masa’uuliyiinta dowladda, islamarkaana wakiilo u ah dowlado shisheeye ah.

Halka Mahad Awad uu ka aarden yahay waayo-aragnimada, xikmadaha iyo dabeecadaha wax lagu hoggaamin karo. Nasiib-darrada jirtaa waa 4.5 oo ah masiibo siyaasadeed oo nidaamka dowladeed ku habsaday darteed, ayaa keentay inuu noqdo MP weliba ku xigeenka Afhayeenka. Dhacdooyinka yaabka leh ee taariikhda ugu qorantay ayaa waxaa ka mid ah xulashadii ugu dambeysay ee ka mid noqoshada Baarlamaanka 10aad inuu ka doontay Puntland, Gal-Mudug iyo Odayaashii Somaliland, intaba waxaa ka soo raacday guuldarro jahada ka dhumisay, kadib markii si aan leexleexad ku jirin, meel kasta uu tågö, kala kulmay diidmi qayaxan,  dhab ahaan markii la gareysan waayay xaqiiqda halka uu asalkiisa ka soo jeedo.

Markii dame Madaxweyne Hassan Sheikh oo cod-raadis tacbaan la ah ayaa u fududeeyay Mahad inuu Xamar ka soo galo, Xamareey xaal-qaado, dul-qaado, waxaad jiko lagu nool yahay u tahay qof kasta oo soo caariyo, isla-markaana laga yaabo inuusanba lahaynba wax “Identity” ah, sida Mahad Awad oo kale.

Qormada Warfaafiye.com

Qormadaan waxay gaar u tahay Warfaafiye, hadaad daabaceyso ilaali xuquuqda Website-ka Warfaafiye

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE