Sawirro: Maxay ku kala duwanaayeen soo dhoweyntii Farmaajo ee P/land & Galmudug

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa ku sugan magaalada Gaalkcayo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo si la mid ah soo dhoweyntii Puntland loogu sameeyay kala kulmay shacabka iyo maamulka Galmudug.

Sawirro ka turjumaya hab maamuuskii iyo soo dhoweyntii loo sameeyay madaxweyne Farmaajo ayaa ka muuqda sida reer Galmudug u doonayaan nidaam dowladnimo iyo madaxweynahooda, waxayna shacabka reer Gaalkacyo iska bareejeeyeen soo dhoweyntii Boosaaso iyo Garoowe loogu sameeyay madaxweynaha iyadoo shacabka Gaalkacyo u kala harin.

Soo dhoweyntii Qardho ee madaxweynaha ayaa Boqorka Daarood uu guddoon siiyay Faras, halka reer Gaalkacyo ay gacanta u geliyeen Owr geel ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

“Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE