Wasiiraddii cusbaa oo qaarkood durba Turkiga u saxiixay heshiisyo cusub: Sawirro

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggxaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Mohammed Guleed (Khadar), waxaana wafdigaasi ka mid ah wasiiro ka tirsan xukuumadda kana mid yahay wasiirka cusub ee wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Wafdigan ayaa sidoo kale ka mid ah xubno ka socda 13 wasaaradood, iyagoo ka qeybgalay shirka iskaashiga ganacsiga Somalia iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga Ganacsiga labada Dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada Dowladood ka kala tirsan. Sidoo kale, wasiirka cusub ee warshadaha iyo ganacsiga Mr. Maareeye ayaa heshiiskaasi qeyb ka ahaa wasaaradiisa.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay qaadan donaan oo Suuq u yeeli donaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kaluunka waxaana heshiiskan kala saxiixday labada Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE