Muuqaalka Trump ee muranka dhaliyay inuu aqoon waayay heesta calanka: VIDEO

Muuqaal muujinaayo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo u muuqday inuu hilmaamay erayada heesta calanka Mareykanka ee xorriyada iyo geesiyaasha, iyadoo muuqaalkaan uu si weyn ugu baahay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka.

Muuqaalka ayaa muujinaayo in Mr. Trump uu hilmaamay erayada heesta qaar isagoo oo aamusaya bilowga. Wuxuu u muuqday qof qaadaya ereyada qaar halka mararka qaarna uu aamusayo.

Erayada heesta oo marka la qaadayo kor loo muujiyo wuxuu madaxweyne Trump si xirfadeysan afka u kala qaadayay, wuxuuna isku qariyay farxad iyo dhoolacadeyn.

Waxaa kaloo Trump lagu dhaliilay inuusan muujin xushmada heesta loo haayo, isagoona iska taagnaa mararka qaar oo uusan muujin dareenkii looga baahnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE