Hoggaamiye ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay, lana soo bandhigay: Sawir

Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Buurhakaba ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada Al-Shabaab, kaasoo dhawaan isu soo dhiibay dowladda federaalka.

Horgoojahaan oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali ayaa Al-Shabaab mudo dheer ka tirsanaa, isagoo ka mid ahaa madaxda sare ee kooxdaasi u qaabilsanaa gobolada Koonfureed.

Hadal uu siiyay saxaafadda ayuu ku sheegay in naftiisa uu kala soo baxsaday Al-Shabaab, maadaama buu yiri khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro, ayna bilaabeen in dhexdooda is ugaarsadaan.Wuxuu intaa raaciyay in xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab looga shakiyay in dowladda ay wada hadal kula jiraan, taasoo keentay khilaafka iyo ugaarsiga xubnaha qaar.

Waxaa dhawaanahaan soo kordhayay xubnaha kasoo baxsanaya kooxda Al-Shabaab ee naftooda lasoo cararay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE