Saraakiisha Danab oo shaaciyay magacyada saraakiisha Shabaab ee la dilay

Ciidamada Kumaandooska Somalia ee DANAB oo howlgal ay fuliyeen ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxay magacaabeen xubnaha ay howlgalka ka dhacay Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ku daba jireen in mudo ah, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.

Saraakiisha lagu dilay howlgalka degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ka mida: Zubeyr Almuhaajir oo ahaa Sarkaalka tababarada Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Macalin Cumar

Zubeyr Almuhaajir, waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa Saraakiisha Ajaanibta Al-shabaab ka barbar dagaalanta, Sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada DANAB.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa ah kuwo leh khibrad milateri, waxaana tababaray ciidamada Mareykanka ee ka howlgala saldhiga Balidoogle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE