Madaxweynaha Somaliland oo arrimo xasaasi kala hadlay Michael Keating: Sawirro

Madaxweynaha maamulka iskeed isu magacowday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo kan dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, Waxaana kulankan diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo markii kulanka soo dhamaaday warbaahinta ugu warbixiyay waxyaabihii looga hadlay ayaa sheegay in ay ugu muhiimtanaayeen arrimaha siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-galyada, dhaqaalaha iyo garg-aarka.

Sacad Cali Shire ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland uu halkiisa kasoo socon doono.  

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE