Boqorka Daarood oo madaxweyne Farmaajo guddoon siiyay hadiyad faras ah: Daawo

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho lugta ah ku maraaya deegaano ka tirsan Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari, halkaasi oo soo dhoweyn dhaqameed diiran loogu sameeyay.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorkab eelaha Daarood hab maamuus sare u sameeyay, isagoona kusoo dhoweeyay nidaamka hidaha iyo dhaqanka, wuxuuna u gacan geliyay madaxweynaha faras lagu soo dhoweeyay oo hadiyad ahaan loo siiyay, deegaanada Puntland-na uu u joogi doono iyo alaabaha kale ee dhaqanka.

Soo dhoweyntaan ayaa ah tii ugu sareysay ee dhaqan ah oo lagu soo dhoweeyo madaxweyne Soomaaliyeed oo booqasho noocaan ah ku mara deegaanada Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE