Maamulada Somaliland iyo Puntland oo ku dagaalamay Sool

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda maamulka Somali-land iyo puntland ayaa haatan ka socda  deegaanka Turakaq ee Gobolka Sool.

Dagaalkaan oo goordhaweyd bilowday ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka soo qaaday sida la sheegay Ciidamadda Maamulka Somali-land oo saakay aroortii deegaankaas gudaha usoo galay.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gurmad ah ayaa ku baxay deegaanka Tukaraq oo hadda ay ku dagaalamayaan labada ciidan, waxa ayna ciidamadaani ay gurmad u yihiin kuwa kale ee Puntland ee deegaankaas ku sugnaa.

Ilaa iyo hada waxaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Dagaalka haatan socda ayaa kusoo beegmaya xili uu maalinimadii shalay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland uu gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE