Xasan Daahir Aweys Oo ka hadlay Qilaafka Mucaaradka iyo Dowladda: VIDEO

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda somaliya ayaa markii labaad soo duubay fariin uu kaga hadlaayo siyaasada Soomaaliya.

Xasan Daahir ayaa farriin u diray kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan inay qabiil u adeegsadaan siyaasadda, wuxuuna dowladda iyo mucaaradka kula taliyay inay yareeyaan xiisadda.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayuu ugu baaqay inay ciyaariyaan kaalin wax dhiseysa ee aanay noqon kuwa wax dumiya oo dalka dib ugu celiya burburkii la soo maray

Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir ayaa ku amaanay Ahlu suna in degaanada ay ka taliso ee gobolada dhexe ay nabad ka dhigtay, isla markaana ay heshiis dhex dhigtay beelaha ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

Shiikh Xasan Daahir ayaa xabsi ku jira muddo dhowr sano ah ka dib markii uu ka dhega adeygay ku dhawaaqida inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab oo uu ka tirsanaa inkastoo uu naftiisa kala soo bacsaday hogaamiyihii hore ee kooxdaas Axmed Godane oo ugaarsnanayey rag ka soo horjeeday oo isagu uu ka mid ahaa

Halkaan Hoose  ka Daawo  Muuqaalka uu soo duubay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE