Muuqaal qiiro leh: Dhalinyaro askarnimo kusoo bartay Mareykanka oo aqoontooda..

Xarunta gaashaandhiga Somalia, ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kullan ku dhex maray taliyaha ciidamada xoogga dalka C/weli Xasan Jaamac iyo dhalinyaro saraakiil ah oo dalalka dibada wax kusoo bartay, kuwaasi oo aqoontooda laga faa’iideysan.

Kullankaan ayaa ka danbeeyay amar madaxweynaha kasoo baxay oo dhigayay in saraakiisha da’da yar ee loo soo tababaray dalka in xirfadooda iyo aqoontooda laga faa’iideysto, laguna daro hoggaannada ciidamada xoogga dalka.

Dhalinyaradaan oo tababaro kusoo qaatay dalalka Turkiga, Mareykanka, Ugandha, Sudan iyo dalal kale, kuwaasi oo tababar heer caalami ah soo qaatay, balse aqoontooda laga faa’iideysan.

Arrinta qiirada leh ayaa ah in kullankaan uu ka hadlay askari tababar kusoo qaatay dalka Mareykanka, kaasoo sheegay in lagula taliyay inuusan dib ugu laaban dalkiisa hooyo iskana dhiibo Mareykanka, laakiin uu ka diiday, sheegayna in qaran dhan uu soo dirsaday una diyaarsan yahay inuu dalkiisa kula laabto wixii la barsy.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE