Sawirro: Wariye Maxamed Ibrahim oo lagu aasay Muqdisho?

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka mid aha Wariyayaash Muqdisho ayaa maanta lagu aasay Qubuuraha Barakaat ee duleedka Magaalada Muqdisho,kaas oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Muqdisho.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay dad u badan Wariyayaal,mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe,Gobolka Banaadir iyo Ehelka wariyaha la dilay.

Maxamed waxaa uu ka mid noqday Tiro Wariyayaal ah oo Muqdisho lagu dilayay Sanadihii la soo dhaafay,waxaana uu shalay gelinkii dambe ku dhintay Qarax lagu xiray Gaari uu watay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeedyay  dilka Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka shaqeynayay TV gudaha ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE