Garabkii hore ee Ahlusuna oo ka horyimid heshiiskii galmudug iyo Ahlusuna?

Kadib Markii dhawaan heshiis ay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ku gaareen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa arintan waxaa ka horyimid garabkii hore Ahlusuna ee heshiis horey ula galay Maamulka Galmudug.

Sheekh Cumar Sheekh C.qadir Guddoomiyaha Golaha Talada  Ex Maamulkii Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa uuna tilmaamay heshiiskaasi uu ahaa mid sharci daro ah,islamarkaana waxaa la weydiiyay sheekha halka ay haatan ka taliyaan garabka uu sheikh Cumar u hadlayo waxaa uuna sheegay in deegaano badan ka tirsan Gobalka Galgaduud ay iyagu maamulaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE