Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Sh/Hoose Iyo Shabaab oo Hadlay?

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan Diyaarado Dagaal in Duqeyn maanta oo Arbacao ah ay ka geysteen tuulo dhinaca Koonfureed ka xigta magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Diyaaradaha Duqeynta fuliyay oo loo maleynayo in ay leeyihiin Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in ay beegsadeen Gaari ay saarnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu jiro khasaare kala duwan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeen Shabaab u hadlay ayaa beeniyay in la duqeeyay gaari ay lahaayeen Al-Shabaab balse waxa uu sheegay in goob lagu ganacsado ay gantaalo ku dhaceen ayna ku dhinteen illaa 7 ruux oo rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE