SAWIRRO: Dadka Muqdisho oo saakay ku waabiriistay wadooyinka oo laga xiray

Qaar ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho ayaa saakay dadka Muqdisho kusoo waabiriisteen ciidamo la tuba y wadooyinkaasi isla markaana laga mamnuucay inay isticmaalaan gaadiidka.

Dadka ayaa lugeynaaya, mana jirto wax gaadiid ah oo istictaalayo wadada mashquulka badan ee Maka Mukarama iyo wadada kale ee gasha garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, waxaa sidoo kale xiran wadada hor marta dekadda Muqdisho iyo Xamar Jajab.Sababta ka danbeysa xirnaanshaha wadooyinkaasi ayaa qeyb ka ah sugida amniga Muqdisho oo saakay xarunta Xalane uu ka furmayo shirka amniga Qaranka ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada gobolada, iyo beesha caalamka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in gaadiidkii ka imaan jiray gobolka Shabeellaha Hoose lagu xayiray saakay kontoroolka Siinka Dheer ee dhaca degmada Afgooye.Dadka Muqdisho ayaa dhibaato ku qaba xirnaanshaha wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada Muqdisho xiliyada ay madaxda dalka iyo kuwa caalamka shirayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE