Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku dagaalamay lacago canshuur

Iska horimaad hubeysan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaaac ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gbolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaan oo ka dhashay muran ku saabsan lacago canshuur ah ayaa waxaa uu dhex maray  ciidamo kala taabacsan Qasnajiga degmada Afgooye iyo Xisaabiyaha degmada Afgooye ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay ku murmeem arrimo lacago canshuur ah.

Qof ka mida shaqaalaha maamulka degmada ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay iska hor imaadka dhex maray ilaalada labada mas’uul ee maamulka degmada Afgooye oo raacsan maamulka K/Galbeed.

Dhinaca kale, waxaa degmada Afgooye maanta lagu dilay nabadoon caan ka ahaa degmada oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Tabliiq.

Ibrahim Tabliiq ayaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen, kuwaasi oo ka baxsaday goobta ay ku dileen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE