Sawirro: Arooska Serena William oo dadka laga mamnuucay taleefanada

Arooskii ugu weynaa ee sanadkaan la dhigo ayaa noqday midkii Khamiistii lasoo dhaafay ay dhigteen xiddigta kubadda teniska ee Serena Williams oo guursatay Alexis Ohanian, kaasoo ka dhacay Ace Hotel ee New Orleans.

Dadka kasoo qeybgalay xafladda oo magac iyo maalba isku darsaday ayaa ku qancay xafladda arooska oo noqday arooska sanadka, iyadoo taash ay Serena Williams ku labisneyd uu ahaa kan dunida ugu qaalisanaa, halka 1million oo kale ay ku baxday xafladda arooska.

arranta dadka ka yaabisay ayaa aheyd in dadka lagu casuumay xafladda laga mamnuucay inay soo qaataan taleefanadooda gacanta si loo xafido sawirada iyo muuqaalada xafladda oo baahinteeda xuquuq ahaan loo siiyay  jaraa’idka Vogue ee ka faalooda arrimaha bulshada iyo dadka magaca leh.

Xiddiga ugu caansan dunida ayaa kasoo qeybgalay xafladda, sida  heesaada Beyonce, Kim Kardashian, Eva Longoria, Caroline Wozniacki, Kelly Rowland, Ciara, La La Anthony iyo tifaaftiraha Vogue Anna Wintour iyo xiddigo kale.

Serena ayaa  Alexis Ohanian u dhashay gabar labo bil jir ah oo ay ugu magac dareen Alexis Olympia Jr.

  

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE