Guddi u Horkacaayo Sheekh Umul oo lacag keenay Muqdisho?

Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalka Kenya ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Culimo ka mid ah guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa hoggaaminayay guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, waxayna kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Lacagtan ayaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka Qaran si loo gaarsiiyo dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii Soobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday shacab aan waxbo galabsan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibada ayaa si weyn ugu gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe, iyadoo sidoo kale dowlada Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaateen sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE