Daraasiin Dad oo ku Geeriyooday Dhul Gariir ku dhuftay Xadka u dhaxeeya Dalalka Ciraaq iyo Iran.

Dhulgariir ayaa lagu qiyaasey 7.3 Cabirka Dhul gariirada ayaa ku dhuftay Soohdinta ay wadaagaan Dalalka Ciraaq iyo Iiraan.

Saraakiisha Iran ayaa u sheegay warbaahinta in ugu yaraan 129 qof ay ku dhinteen gobolka Kermanshah, isla markaana uu socd Gurmadka dadka la aaminsan yahay in ay Suura gal tahay in wali la la’ yahay.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay intaa ka badato Maadaama Dhul gariirku uu ahaa mid labo jeer dhacay, sidoo kalane kala cabar weynaa.

Heel Dheerayaasha Dhul gariirka ayaa Sheegay in Dhul gariirku uu ahaa Mid culus, saameeyeyne dadka degan deegaanada ka agdhaw Soohdinta labada dal.

Dhul Gariirkii Dambe aaya Cabarkiisa lagu sheegay in uu gaaraye 5.1 ee Cabirka Dhul gariida, waxa uuna Saameyn ku sheegay Dhul Gaaraya 103KM sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta labada Dowladood.

Sida laga soo xigtay Idaacadda rasmiga ah ee Iiraan (IRNA) Dadkii ku sugnaa 8 Degmo ayaa la sheegayaa in uu bur-buriyey Dhul Gariirka, waxaana Dadkii ku sugnaan Deegaanadaasi ee ka badbaaday Dhul gariirka la tilmaamay in ay ka barakaceen kadib Cabsi soo foodsaartay.

Turkiga ayaa la sheegayaa in qeybo kamid ah Laga dareemey Dhul Gariirka, inkastoo aanan laga soo sheegin waxyeelo kasoo gaartay dadka u dhashay dalkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE