Sawirro: Wasiir Puntland ka tirsan oo tegay Sanaag iyo xiisad ka taagan

Wasiirka amniga Puntland Axmed C/llaahi Yusuf (Dowlad) ayaa gaaray magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, wuxuuna wasiirka muujiyay in gobolka Sanaag aysan ka dhici doonin doorashada madaxtinimada Somaliland.Wasiirku wuxuu meesha ka saaray sheegashada Somaliland ee ah in gobolka Sanaag ay ka qabsoomi doonto doorashada 13-ka bisha ee maalinta Isniinta, isagoo sheegay in ujeedada socdaalkooda ay ku tageen Badhan uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo Hayland aysan ka jirin wax doorasha ah oo dhinaca Somaliland ka timaada.Wuxuu sheegay in fargalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysa ay tahay oo kaliya in la jahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.

“Meesha aan joogaa waa Badhan, wax doorasho iyo calaamad doorasho oo ka muuqataa ma jirto, waxaan arrintaasi suurtagaliyay shacabka oo ogo, una bisil inay ilaashadaan oo xajistaan amniga,sharaftooda iyo ilbaxnimadii taarikhigi lahaa ee ay lahaayeen” ayuu yiri Wasiirka Amniga, wuxuuna sii raaciyay

“ Shacabka degan mandiqadan ma ah shacab soo maray gumaysi, Ma ah shacab u dulqaata in shacabka kale oo Soomaaliyeed oo iyagoo kale ah ay yiraahdaan annaga idiin xukumayna, taariikhda lagamuma hayo Shacab yiraahda shacab kale, annagaa tirakoobaynaa idiin maamulaynaa” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu tilmaamay  in siyaasadda Puntland ay tahay mid ku salaysan amni iyo wada noolaansho,

“cidna duulaan kuma qaado, cidna ma gardaraysato, cidwalba  waxaanu doonaynaa inaanu nabad, Islaanmo, walaaltinimo iyo somaalinimo kula nolaano, cidii intaa ka soo gudubta waajibkeedu waa gooni” ayuu yiri

Wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool goboladda Sanaag iyo Hayland inay ilaashadaan qaranimadooda, Amnigooda iyo sharaftooda, ayan ka hortagaan waxa uu ugu yeeray faragalinta iyo xadgudubka qaawan ee Maamulka Somaliland.

Booqashada wasiirka iyo waftigiisa ayaa kus oo beegantay, iyadoo ay maalin kaliya ka harsan tahay doorashada Madaxtinimada Somaliland, waxaan la filayaa inuu wasiirku u sii gudbo magaalooyin kale ee gobolka oo ay ku jiraan Dhahar, Hadaaftimo iyo Magaalooyin kale.    

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE