Sawirro: Ninkii xubinta taranka xabadda ugu dhuftay Faa’isa oo lasoo bandhigay

Waxaa magaalada Kismaayo lagu soo bandhigay ninkii ku eedaysnaa inuu falka argagaxa iyo naxdinta lahaa u geytay gabadha lagu magacaabo Faaiso Cabdi Xaye.

Ninkan oo lagu magacaabo C/qaadir Warsame “Sanka” ayaa lagu qabta magaalada Kismaayo, isagoo ka baxsaday magaalada Boosaaso, halkaasi oo tacadi ugu geystay gabadha Faaiso Cabdi Xaye lagu magacaabo oo xiriir kala dhaxeeyay.

Ninkaan ayaa xabad kaga dhuftay xubinta taranka Faa’iso oo hadda lagu baxnaaninaayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyn, waxaa la sheegay in dib loogu dhoofin doono magaalada Boosaaso ee Puntland si caddaalada loo horgeeyo. 

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE