Heer intee la eg ayay iska waafaqi karaan Mashruuca Dr. Bayle iyo Maqaamka siyaasinimadiisa

Abdiirahman Bayle Ducaale, laba xili ayuu wasiiir ka soo noqday laba xukumadadood oo kala duwan, isla-haddana wuxuu xubin ka yahay Baarlamaanka 10aad ee xiligaan jira, isagoo ku soo galay tikidhka “Beel-weynta Direed”. Wuxuu si gaar ah uga soo jeedaa Gobalka Awdal ee deegaannada beelaha reer waqooyiga, burburkii dalka kadibna la magac-baxay “Somaliland”.

Intii ay shaqaynaysay xukuumaddii Saacid,  Dr. Abdirahman Bayle wuxuu in badan la soo xiriiri jiray ama u soo fariin dirsan jiray Madaxweyne Hassan Sh Mohamoud. Dhab ahaantii, wuxuu codsan jiray in laga dhigo Wasiirka Qorsheynta Qaranka. Wuxuu ballan qaaday haddii uu helo magacaabista xilkaas, inuu awood u leeyahay, dowladaha qaarkood iyo hey’adaha deeq bixiyayaasha inuu ka keeni doono Maalgashi iyo Kaalmo dhaqaale oo ka badan hal Bilyan oo dollar.

Isbeddel xukuumadeed oo la sameeyay darteed,  Dr. Abdirahmaan Bayle, waxaa u suuragashay inuu noqdo  Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka uu ka daneenaayay in loo magacaabo Wasaaradda Qoorsheynta Qaranka. Nasiibkiisa, wuxuu ka mid noqday xukuumad waqtigeeda ku soo dhammaaday guuldarro taariikhi ah, karti darro darteedna dabaqi weysay xeerarkii hab dowladeedka la xiriira dhinacyada nidaamka xasilinta siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta.

Xukuumadda Wasiir Beyle ka tirsanaa waxaa Wasiirka koowaad ka ahaa Adiweli Sh Ahmed, oo muddo sannad ah kadib, si qalbi jab ah, maamulkiisa hawada uga baxay siyaasadihii hoggaanka dalka, kadib markii baarlamaankii 9aad kalsoonnadii uu kala noqday, si aqlabiyad ah oo aan horay looga arag taariikhda.

Guuldarrada xukuumada Abdiweli Sh Ahmed ka hor  Dr. Abdirahman Bayle, Isaga dartii ayaa magacii Wasaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga loo beddelay, lagana dhigay in loo akhriyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga, si loo helo kaalmada ka badan halka bilyan uu xukuumadda ka mid noqonaayay. Waxay ahayd dhab ahaantii mashruuc, oo isagaba ka alifay hees, Lana magac baxday Somalia waa “Dall mashruuc ah”

Markii loo magacaabaayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ma jirin ama way yar tahay ayaa la oran karat cid taqiin, mana ahayn qof waaya-arag ah oo horay uga soo shaqeeyay Wasaaraddaas, ama aqoon u leh ama soo bartay amaba xataa ra’yi guud ka heysta culuunta siyaasadda, xiriirada caalamiga ah, dibloomaasiyadda ama daraasadaha istraatiijyada intoodaba. Prof Ahmed Ismail Samater, oo isagoo ka careysan Bayle, inuu ka mid noqdo dowlad uu hoggaaminaayo Hassan Sheikh, ayaa hadda ka hor sheegay in isaga iyo Abdirahman Bayle yihiin qaraabo dhow, isaga iyo walaalkii Dr. Abdi Ismail, sabab u ahaayeen, Abdirahman Bayle in uu Mareykan yimaado, waxna ku barto.

Sida la sheegay Abdirahman Bayle Ducaale ayaa in muddo ah ka soo shaqeeyay African Development Bank, xarumahiisa Abidjan, Cote d’Ivoire ama Ivory Coast iyo Tunis, laakin dad yaqaan ayaa sheegaya weligii inuu dhaafin xil farsamo ama marka ay ugu ugu weyn tahay xil la talayanimo ah. Intuu ADB u shaqeynaayay, wuxuu qaabilsanaa daraasaadka dhaqaalaha Beeraha, waraabka, iyo ceelasha.

Waxaa badi lagu yaqiin dowliadihii Somalia soo mareen xiligii burburka ka hor iyo kadiba, ama si kale haddii loo dhigo xiliyadii dowladihii rayidka, tii Militariga iyo xiligaan burburka la moodo in laga sii gudbaayo, ayaa Xilka Wasiirnimada Wasaaradda Arrimaha Dibadda inta badan loo magacaabi jiray siyaasiyiin waa weyn ee asal ka soo jeeda  degaannada dhexe ee reer Somaliland, sida Ahmed Yusuf Du’ale (1964-67), Prime Minister Mohamed Ibrahim H Ibrahim Egal, oo haddana islamarkaa ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda (1967-69), Omar Arteh Ghalib (1969-75), Deputy Prime Minister Mohamed Abdullahi Oomaar, (2009-2011) iyo Deputy Prime Minister, Hon. Marwo Fawzia Yusuf H Adam (1912-14).

Abdiweli Sh. Ahmed sida adeerkii, kaligii taliyihii dalkaan u horseeday nasib-darrada, masiibada qof iyo qoysna aan ka badbaadin, ayuu isna muujiyay ficilada ayaan darrada ah ee lagu colaadiyo dadka ka soo jeeda asalka deegaanada dhexe ee Somaliland. Wuxuu maamulkii dama-jadiid kula heshiiyay Foreign Minister in laga dhigo, qof Gadibuursi ah, halka siyaasi Isaaq ka noqon lahaa loo meelmariyay in Abdirahman Beyle’ noqon karo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

 MAXAA KADIB DHACAY

Wuxuu la wareegay wasaarad shidan, u degsan xeerarkii iyo barnaamijyadii shaqo, diyaarna ah majarihii hawl-fulineed ee  shaqada siyaasadda arrimaha dibadda, haddii ay ahaan lahayd dhanka xiriirada iyo dhanka iskaashiga caalamiga, intaba. Wasaarad ay ka howlgelaayaan intii la heli karay rug caddaayaashii hore iyo dhallinyaro caaboon oo intoodii badan gudaha iyo dibaddaba ku soo qaatay waxbarasho iyo tababaro aasaasi ah. Waxaaba laga darremi karay qofkii daawaday xafladdihii iyo hanaankii qurxoonaa ee munaasibaddii xilka uu kula wareegaayay.

Dowladdii Hassan Sheikh, meesha kaliya oo ay waqtigaas ka nooleeyd, guulaha iyo rajada fiicana dalka u nuurisay, waxay ahayd howlihii sida kartida & hufnaanta lahayd ee lagu xaqiijiyay haanaanka siyaasaddii Arrimaha Dibadda iyo waaga cusub ee u bilaabmay xiriirada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, taasoo fulinteeda laf-dhabar u ahayd hoggaamintii daacadnimada iyo isku-kalsoonaanta ku dhisnayd oo ay dalkeeda iyo dadkeeda ugu adeegtay Marwo Fawzia Yusuf H Adan, kuna hormarisay siyaasadda arrimaha Dibadda iyo dibloomaasiyadda cusub ee Soomaaliya, taasoo bog hor leh u furtay taariikhda casriga ee marxaladda cusub ee Somalia kula saanqaadayso Mujtamaca caalamka.

Somalia inay noqoto dal adduunka oo dhan dowladnimadeeda laga aqoonsan yahay, geli kartana heshiisyo calamai ah, tixgelina ku leh saaxadda Adduunka ayaa Abdirahmaan Bayle lagu soo dhoweeyay halkeedii inuu ka sii wado.

Hawshaasi inuu ka sii ambaqaado, sii uu uga miro dhaliyo iska daayee, wuxuu beddelkeedii bilaabay inuu isu muujiyo inuu soo shaqo tagay, si la mid ah “Mashruucii” uu heesta ka sameeyay, yacnii si ka baxsan nidaamka uu kaga mid noqday xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Mashruuciisii, waxa laga arkay, Wasaaraddii iyo howsheedii inuu ka dhigtay goob uu isagu si gaar ah u leeyahay. Wuxuu shaqadii ka fadhiisiyay odayaal rug caddaayaal ah, Safiiro hore iyo Agaasimayaal ilaa 15 gaaraya, xaruntii wasaaraddana ka dhex wadeen habka dhaqangelinta xeerakii shaqada (Foreign Service act) iyo dib isku waafajinta maabaadi’dii arrimaha dibadda iyo sumacaddii Soomaaliya kaga jiri jirtay ka qaybqaadashada doorarka caalamiga ah.

Hawshii ugu horreysay wuxuu ka bilaabay inuu daymo gaar ah u yeesho si uu gacma-gacmeysto miisaaniyadda iyo hantidii kale wasaaraddu imkaaniyaad ahaan ugu howlgalaysay. Durba wuxuu mashruuc ahaan u bilaabay inuu shaqaaleeyo dad u badan dhallinyaro ehelkiisa ah isagoo u kala dooraaya inuu qof kasta ku meeleeyo xarunta wasaaradda ama safaaradaha dibadda.

Waxaa la haayaa dokumentiyo muujinaya dhaqanka ku takrifalidda awoodeed ee aan cabsida iyo xishoodka ku jirin, una adeegsaday ka dhex qaraabashada,  kheyraadkii wasaaraddu lahayd.

Safaarado dhowr ah oo shaqeenaayay ayaa is-bixin waayay, dibloomaasiyiin ayaa ka soo haymaamay rugahoodii shaqada. Intii uu wasaaraddu joogayna, Mudane Bayle, wuxuu shaqadii ka eryay, mas’uuliyiin oo ay ka mid yihiin laba xoghaye joogta ah, agaasimaayaal, dibloomaasiyiin iyo shaqaale kale.

Eheladii uu shaqaaleeyayna, iyagoo cusub ayay haddana wasaaraddii iyo safaradahii loo beddelay, waxy ka bilaabeen bah-dilid iyo daqamo kale oo aan caadi ahayn in ay la beegsadaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha kale, oo muddada dheerna u soo shaqeeyay qaranka.

Wasiirnimadiisii oo isagu u arkaayay inay u tahay mashruuc, waxay ku soo dhammaatay, isagoo dabargooyay asaaskii adkaa ee loo jeexay himiladii ummadeed ee siyaasadda Arrimaha dibadda. Wuxuu xeer-jebiyay, xadgudubna uu u geystay shaqadii iyo sumcadda waddanka ee wasaaraddu inay hormariso loo igmaday. Wuxuu Somalia ka soo xiray albaabbo uga furnaa dhinacyada arrimaha iskaashiga dowladaha adduunka qaarkood, hey’adaha iyo ururada caalamiga ah, intaba.

Mudane Bayle iyo wasiirkii kale ee ka dambeeyay Mudane Abdisalam Hadleeye waxay siyaasadda Arrimaha Dibadda dib ugu riixeen heer la md ah waayihii laga soo gudbay oo ay jiri jireen dowadihii KMG iyo sidoo kale xiliyo aanba jirin wax xiriir ah oo aan adduunka la wadaagno. Markii Dr. Bayle uu ka caariyay xilkii xukuumddii fashilantay, wuxuu isku dayay inuu dib ugu noqdo Xaruntii Tunis iyo shaqadii African Development Bank. Nasiibdarrose, Bankigu wuxuu diiday inuu dib u shaqaaleysiiyo ama siiyo contract shaqo. Waxay hurweyday inuu dalka dib uu ugu soo noqdo, isagoo ay la noqotay odayaashii beeshiisa inuu ka doono, suuragalnimada inuu noqdo xubin baarlamaan.

Hadda xaalku waxaa la gaarsiiyay heer maamul beeleedyadu damcaan inay dowladda dhexe kala wareegaan awoodaheedii siyaasadda arrimaha dibadda.

Mundane Bayle iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Mudane Farmaajo ayaa Abdirahman Bayle siiyay fursadda ah inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda. Qoomka uu ka soo jeedo Madaxweyne Farmaajo, uguna weynaa kaligii taliyihii waxaa la tusi karin Siyaasaasiyiinta Beelaha deeganada dhexe ee Somaliland in ay qaban karaan xilalka ugu waaweyn ee dalka.

Isaaq waxaa qoomiyad ahaan loo tiririyaa inuu yahay mid ka mid ah qoomiyadaha ugu waaweyn ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, intaba xag, dad, deegaan iyo kheyraadba. Midnimada qaranka iyo inay sameysanto Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyaga ayaa dhab ahaantii taariikhiyan sabab u noqday jiritaan dowlad Soomaaliyeed ee leh xuquuq caalami ah.

Suugaanta ugu xusuusta taariikheed leh,  qiirada waddaniyadeedna xambaarsan, dalkana astaan qaran u ah, waxay ka soo burqameen maskaxda abwaano karaameysan, asal Soomaali ahaan ah reer waqooyi Alle ku maneysatay inuu siiyo heybad iyo xikmado barako u leh shacabka Soomaaliyeed, sida Abdullahi Sultan “Timacadde”, (Gabaygii taariikheyd, KANA SAAR, KANA SIIB), Ustaad Yusuf H Adan, (heestii astaanta qaranka SOOMAALIYEEY TOOSOO ), Abdullahi Qarshe, (Heestii QOLOBAA CALANKEED) iyo abwaano kale, intaba.

Taariikhdooda in la sharfo iska daayee, ayaa xataa geesta kale haddii la ego, in xeerarkii 4.5 ee lagu heshiiyay in qoomiyadda Isaaq la qiimOruro, lana xaqiro xaqa iyo doorka ay ku leeyihiin awood qaybsiga  Federaalka beelnimada ku dhisan.

Wasiir Beyle, Wuxuu ka dex wadaa Wasaaradda Maaliyadda musuqmaasuq tii ugu darnayd. Dhallinyaradii uu horay ugu shaqaaleeysiiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, qaar ka mid ah ayuu Wasaaradda Maaliyadda u soo wareejiyay.

Dulaalka ugu wen ee hawlaha qaraabka iyo musuqmaasuqa u qaabilsan waa nin ay qaraabo dhow yihiin. Magaciisa waxaa lagu sheegaa Ayuub Ismail Yusuf oo hadda ah Seneter ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka. Dr. Bayle intii uu joogay wasaaraddii Arrimaha dibadda, Xiligaas ma jirin dhismaha Aqalka sare oo hadda Ayuub xubin ka yahay, bal wuxuu ka mid ahaa 17 qof, shaqaalihii uu Wasiir Bayle ehelnimada u qortay. Si gaar ah, Ayuub wuxuu markii hore, ka dhigay Protocol officer, markii dambana, wuxuu ku meeleeyay Jeddah, isagoo ka dhigay Qunsul, haddana wasiir Bayle wuxuu u yahay, u qaybsamaha arrimaha Kastamada, Dekadda Xamar iyo Adan Cadde International Airport. Ninksaai sadder ilood ayuu mushar ka qaataa, sida Xafiiskii Qunsulnimada ee Jeddah, midda Senetornimada, Wasaaradda Masliyadda, iyada oo weliba u sii dheer tahay waxa uu ka helo, ka dhex qaraabashada Wasaarada ee Wasiirku u ikmaday.

Xaaladda Mashruuciisa waxay hadda foodda la gasho, inuu Wasiirku is-hortaago Go’aan dhowaan Golaha Wasiiradu ku gaareen, Gobolka Banaadir, Miisaaniyaddiisa in lagu kabo boqlkiisa 25%, si maamulka Baladdiyada Xamar u kabto adeegyada lagama maarmaanka ah, sida nadaafadda, dismaha iyo daayactirka waddooyinka, soo celinta goobahii taariikhiga, maktabadda, madaxafka, dugsiyada waxbarashada, adeegyada caafimaad iyo fey-dhoowrada, biyaha nadiifka iwm. Dakhliga ugu badan, over 90% ee Dowladda dhexe maamusho wuxuu ka yimaadaa canshuuraha Gobolka Banaadir.

Lama saadaalin karo halka mashruuciisu saldhigan doono, inay u noqon karta mid u naajaxa ama la kacda. Wax badan ayaa afkiisa laga qoray muddadii Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu joogay, “Anigu hal sanno oo fasax ah ayaan ka soo qaatay African Development Bank”, taasi oo xaqiiq ahaan shaqaalaha u fasiran jireen inay macno ahaan la miisaaman tahay heystiisa “Dalku waa Mashruuc”. waxaan doono ayaan yeelayaa oo loo arki karo inay tahay halkaa, waan u soo shaqo tagay, waana dal fiican, xorna ka ah mabda’ ahaan iyo qaanuun ahaanba nidaamka isla-xisaabtka ah.

2014 ayaa wiil uu dhalay Wasiir Dr. Abdirahman Bayle  Bankiga dhexe wuxuu kala baxsaday, lacag cash ah US $200 kun, Haddana warbaahinta maxaliga ah qaarkood ayaa qorayaan in hadda a wiilka Dr. Bayle  maalmi dhoweyd ku xayirnaa Istanbul Airport/Turkey iyadoo Boliiska Turkigu ka wareysanaayaan lacag kale oo cash, Xamarna uu kala yimid.

Alle ayaa Soomaaliya baday Mudane Bayle iyo mashuuciisa, mas’uuliyiin kale oo la mid ahna way jiri karaa. Haddii dalku ka jiri lahaa Maamul iyo nidaam ku dhisan isla xisaabtan, waa dhab barwaaqo, caddaalad iyo amni wada socsda inay jiri lahaayeen. Waxaa la weyn lahaa mas’uul falal guracan iyo caddaalad darro u bareeri lahaa,  sidaasi waxaa ku toosi lahaa xuquuqdii dadka iyo horumarka noloshoodii aasaasiga, dalkuna horumar iyo kheyr fara badan ayuu u jaheysnaan lahaa.

Dawladda hadda jirta ayaa lagu la talinayaa inay dalka u saldhigto nidaam amnigiisa iyo kheyraadkiisa la caddaaladeynaayo. Isla xisaabtankana noqdo muhiimadda koowaad.

Faallada Warfaafiye.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE