Shariif Xasan ” DF orod ayey ku socotaa, laakiin dad ayaa dhinbil dab ku ciyaaraya”

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ayaa  weerar ku qaaday dowladda dhexe, isagoo sheegay in ay ku socoto orod, isagoona tusaale usoo qaatay maah-maahda ah ” Geedkii orod lagu karo, orod ayaa looga soo degaa”.

Wuxuu sheegay in xaalada cakiran iyo dhibaatada dalka ka jirta in looga bixi karo wadatashi iyo in la xoojiyo federaalka.

Sharif Xasan ayaa u digay shaqsiyaad uusan sheegin balse ka mid ah madaxda dowladda kuwaasoo uu sheegay inay ku ciyaarayaan dhinbil dab ah.

Dhinaca kale, wuxuu ka warbixiyay shirkii Kismaayo, isagoo sheegay in uu ku soo dhamaaday guul, lana isku afgartay in laga wada shaqeeyo siyaasada, amniga iyo xoojinta Federaalka.

“Shirka Kismaayo waxaa u aragnaa inuu ahaa mid masiirka umadda Soomaaliyeed ka turjumaya, dhibaatooyinka hada jira iftiinkii looga bixi lahaa”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in wada tashi wax walba lagu dhameyn karo, isla markaana Soomaali ay horumar ku gaari karto Federaalka oo la hirgeliyo, sharciyadiisana lagu dhaqmo.

“Soomaaliya dhibaatooyin badan ayaa ka jira, waxaa looga bixi kara waa in Federaalka la xoojiyo, siyaasad degan lagu wada shaqeeyo, laakiin waxaa aragnaa dad badan oo raba inay ku dheel dheelaan dhimbil dab, qofkii dhimbi damba gacanta ku qabtana ma heyn karo asigaa deynaya, in la iska dhaafo siyaasad degan amni iyo is bedel laga shaqeeyo”ayuu yiri.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in markii ay imaanayeen aysan jirin waxyaabo ay ka dhaxleen maamulkaan, isla markaana meel cidlo ah ugu yimaadaan, isagoo xusay in waqtiga u dhiman ay dhameysan doonaan, isla markaana cidii bedesha ay wax dhaxli doonaan sida uu yiri.

Shariif Xasan ayaa xilligan ku furan mowjado siyaasadeed, iyadoo uu wajahayo kacdoon uga imaanaya siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa, kuwaasoo dhowaan shir ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inay mooshin ka keenayaan.

Xafiiska Warfaafiye
Muqdisho, Somalia
Email: Warfaafiye@gmail.com

LIKE GAREEY SI WARARKEENA U HESHID 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE